Dooro Luqaddaada: English | Español | Soomaali | Hmong

HEL SOO CELINTA SAXDA AH!

Hubso in canshuur celintaada ay ku jirto Foomka M1ED & Foomka M1REF kahor intaadan gudbin!

Baro waxaad u baahan tahay inaad ka ogaato buuxinta canshuurahaaga


Tallaabooyinka muhiimka ah ee la raaco marka aad xareysanayso canshuurahaaga

Haduu qof kale kuu diyaariyo canshuurahaaga:

  1. Waxaad siisaa qofka samayn doona cashuuraha tilmaamahan iyo dhammaan rasiidhada buluugga ah ee aad ka heshay baqshadda cagaaran ee aan kuugu soo dirnay (ama ku lifaaqan e-maylkii aan kuu soo dirnay bilowgii Janaayo).

  2. Kahor intaadan gudbin canshuur celintaada ee Minnesota, hubi inay ku jiraan Foomka M1ED iyo Foomka M1REF. Haddii kale, laba-hubi cashuur-bixiyahaaga haddii aad u-qalanto Deynta Canshuurta Waxbarashada ee K-12.

Hadii aad diyaarsato canshuurahaaga:

  1. Si taxadar leh u akhri tilmaamahan (iyaguna waxay ku qoran yihiin warqadda soosaliga ah ee aad ka heshay bashqadda cagaaran ee aan kuu soo dirnay).

  2. Markaad dhameystireysid canshuur celintaada ee Minnesota hubi inaad xaq u leedahay Deyn-Bixinta Canshuurta Waxbarashada ee k-12.

  3. Adoo u malaynaya inaad xaq u leedahay amaahda canshuurta, isticmaal risiidhada buluugga ah ee aad ka heshay bashqadda cagaaran ee aan kuu soo dirney si aad u dalbato Deynta Candhuurta Waxbarashada ee k-12.

  4. Ka hor buuxinta canshuurtaada, hubi inay ku jiraan Foomka M1ED iyo Foomka M1REF. Haddii kale laba-hubi inaad u-qalanto amaahda Canshuurta Waxbarashada ee k-12. Waxaad u baahan tahay inaad raadsato caawimaada canshuur bixiye tababaran.

RAADI GARGAAR DIYAARINTA CANSHUURTA LACAG LA’AANTA AH MEESHA AAD DAGAN TAHAY

Waxaa jira over 200 free tax preparation sites guud ahaan gobolka Minnesota oo ku taxan Websaydhka Waaxda Canshuuraha ee Minnesota.

Haddii aad ku nooshahay Minneapolis-St. Paul metro area, Prepare + Prosper waxay bixisaa caawimaad cashuur bixin bilaash ah.

Fadlan la soco in MAA aysan sameyn karin wax dammaanad ah oo ku saabsan saxsanaanta, dhammaystirka, kalsoonida, ku habboonaanta, ama tayada wax soo saarka ama adeegyada ay bixiso mid ka mid ah adeegyadan diyaarinta canshuuraha. Ku tiirsanaan kasta oo ku saabsan adeegyadan diyaarinta canshuuraha ayaa ah qatarteedu mid kuu gaar ah .

Su’aalo

MAA ma bixin karto talo bixin xagga canshuurta ah, laakiin haddii aad su'aalo ka qabtid qalabka aan kuu soo dirnay ama sida loo helo kaalmada canshuurta, fadlan nala soo xiriir:

Lisa Lennex-Sagbo
MAA Community Navigator

maanavigator3@youthprise.org
612-440-9342